Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL Mudane Dr. Ahmed Yousuf Idiris oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Yousuf Warsame Hassan ayaa shir-guddoomiyey kulankii todoba

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL Mudane Dr. Ahmed Yousuf Idiris oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Yousuf Warsame Hassan ayaa shir-guddoomiyey kulankii todobaad-laha ahaa ee Agaasimayaasha Waaxaha Wasaaradda. 
 
Shirkan oo ujeedkiisu ahaa soo jeedinta Waxqabadkii Waaxaha ee sannadkan 2023-ka iyo u diyaar-garowga qorshaha waxqabadka sannadka 2024-ka.
 
Shirkan oo ku soo gebo-gaboobay si guul ah, waxa la isla qaatay in la dar-dar galiyo qorshe hawleedka sannadka soo socda ee 2024-ka iyadoo laga duulayo caqabadihii iyo casharadii laga bartay sannadkan dhammaanaya ee 2023-ka. 
 
ALLAA MAHAD LEH.