Daahfurka Xarunta Hal Abuurka Teknolajiyadda

Wasaaradda isgaadhsiinta iyo teknoolajiyadda ayaa daahfurtay xarunta halabuurka teknoolajiyadda Somaliland, xaruntan oo qalabaynteeda ay iska kaashadeen Xafiiska ICDF ee hoos-yimaadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Dalka Taywaan.  
Xaruntan oo noqon doonta xaruntii u horraysay ee uu qaranku leeyahay, taasoo lagu kobcinayo halabuurka teknooljiyadda ee dhalinyarada, sidoo kale lagu siinayo tababarro la xidhiidha teknoolajiyadda casriga ah oo lacag la’aan ah. 
Waxay xaruntu udub dhexaad u noqon doontaa curinta halabuurka teknoolajiyadeed ee adeegyada ku shaqeeya teknoolajiyadda, taasoo wasaaraddu ka caawin doonto dhalinyarada in ay helaan xafiisyo ay ku shaqeeyaan, sidoo kale la maalgeliyo halabuurka teknoolajiyadda. 
Waxa xafladda ka soo qayb galay, 
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda Aamina Xuseen Maxamuud
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda Dr. Cabdiwali CAbdilaahi Suufi Jibriil
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Dr. Ciise Kayd 
Safiirka Dalka Taywaan ee Somaliland Mr. Allen Lou
Gudoomiyaha Baanka Dhexe Cali Cabdilaahi Daahir 
Safiirka Somaliland ee Taywaan, Ambasador Maxamed Xaaji 
Waxa ay intuba ka hadleen ahamiyadda ay leedahay xarunta halabuurka qaranku, taasoo ay muhiim tahay in ay Somaliland ka qayb qaadato horumarka teknoolajiyadeed ee adduunka ka jira, lana helo dhalinyar diyaar u ah ku shaqaynta teknoolajiyadda iyo barashadeeda.