Daahfurka wajiga labaad ee kormeerka taawarada iyo adeegsiga hirarka oo laga bilaabay gobalka awdal


Wasaaradda isgaadhsiinta iyo teknoolajiyadda oo daahfurtay wajiga labaad ee hubinta biligta taawarada isgaadhsiinta iyo kormeeridda adeegsiga hirarka iyo tayada adeegyada kala duwan gobolka awdal gaar ahaan magaalada boorama, halkaas oo lagu soo mari doono dhamaan taawarada isgaadhsiinta, iyada oo lagu xaqiijinayo halbeegyada ay wasaaraddu u dhigtay taawarada iyo adeegyada isgaadhsiinta.