Daahfurka Tabobarka Ilaalinta Xogta

Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda JSL  waxa ay daahfuraysaa Maalinta Salaasadda 16/03/2021 tabobar heer qaran ah kaas oo lagu tabobari doono dhamaan Waxaaha ICT-da ee Wasaaraddaha iyo Haayadaha Qaranka JSL sida looga hor tago khataraha ka imaada Internet-ka iyo ilaalinta xogta.

Tabobarkan waxa uu bar bilaw u noqon doona tabobaro dhawr ah oo ay wasaaraddu gacanta ku hayso kuwaas shacibga Somaliland loogu wacyi galin doono, lana bari doono sidii ay uga foojignaan lahayeen khataraha ka imaada Internetka iyo sidii ay xogtooda gaarka ah u ilaashan lahyeen.

Tabobarkan Waxa iska kaashanaya hirgalintiisa Xafiiska Hormarinta Caalmiga ah ee UK ama UKAID iyo Wasaaradda Isgaadhsiinta Jamhuuriyadda Somaliland.