Daahfurka Tababarka Dadka Baahiyaha gaarka ah qaba

Waxa maanta Xarunta Hal Abuurka Tiknoolajiyadda JSL Somaliland Innovation Zone uga bilowday tabobar la xidhiidha xirfada ICT-ga in ka badan 30 arday oo ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba. 

Tabobarkani waxa uu daba socdaa isla markaana uu midho dhal u yahay warmurtiyeedkii kasoo baxay shirkii Tiknoolajiyadda ee sanadkii hada ina dhaafay ee 2021, kaas oo qodob ka mid ahi dhigayay in Wasaaraddu qayb laxaad leh ka qaadato sidii loo yareyn lahaa farqiga bulushda ee dhanka Tiknoolajiyadda (Technology Gap). 

Isla markaana Ii gooni ah loogu eegi lahaa dadka baahiyaha gaarka ah qaba si ay u noqdaan kuwo la jaan qaada xawiliga ay ku socoto Tiknoolajiyaddu.

Tabobarkan waxa si rasmi ah uga daahfuray Xarunta Hal Abuurka Tiknoolajiyadda JSL Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyadda JSL Mudane Yusuf Warsame Hassan