Daahfurka Tababar loogu Talagalay Haweenka

Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Teknoolajiyadda Jsl, Ayaa Daahfurtay Tababar Loogu Talo-galay Haweenka, Tababarka Oo Ku Saabsan Cilmiga It-ga, Waxa Ka Qayb Galaya 32 Haween Ah Oo Badankoodu Ah Shaqaalaha Wasaaradaha Ee Dalka, Si Loo Kobciyo Xirfaddooda Aqooneed Ee Teknoolajiyadda, Taasoo U Fudaydinaysa Hawl Maalmeedkooda Shaqo. 
Xafladda Furitaanka Tababarka Oo Ay Ka Soo Qayb Galeen Masuuliyiin Ka Socda Wasaaradda Iyo Xafiiska Taiwan Ee Somaliland, Waxa Ka Hadlay: 
Agaasimaha Xarunta Hal-abuurka,  Mustafe Cabdi  Daauud, Oo Faahfaahiyay Muhiimadda Xarunta Hal-abuurka Iyo  Sababaha Loo Aasaasay. 
Agaasimaha Waaxda Hal-abuurka Teknoolajiyadda, Eng. Maxamed Cumar, Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Muhiimadda Ay Leedahay In Dumarku Ay Kor U Qaadaan Xirfadooda Teknoolajiyadeed. 
Agaasimaha Waaxda It-ga, Mr Saxardiid Axmed Cali , Oo Faahfaahiyay Qaybaha Uu Tababarkani Ku Saabsan Yahay, Iyo Inta Uu Socon Doono. 
Xafiiska It-ga Ee Safaaradda Taiwan, Mr. Edward, Oo Ka Warbixiyay Hawlaha Shaqo Iyo Mashaariicda It-ga Ee Ay Gacanta Ku Hayaan. 

Xafiiska Xidhiidhka Dadweynahay iyo Warbaahinta W.I.T