Daahfurka shirkii ugu horeeyay ee ay ku kulmaan daneeyayaasha mashruuca Xog-wadaaga

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyadda JSL ayaa daahfuray shirkii ugu horeeyay ee ay ku kulmaan daneeyayaasha mashruuca Xog-wadaaga (Somaliland S-road Information System)  dawladda kaas oo wasaaraddu hirgelintiisa ay wado.

Kulankan waxaa kale oo dhankiisa faahfaahin ka bixiyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda, iyadoo ay ka soo qayb galeen Agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha iyo Haya'addaha dawladda ee mashuuracani sida tooska ah xidhiidhka ula leeyahay, kulanka waxa la isku waydaarsaaday talooyin iyo afkaar badan oo la xidhiidha mashruuca.