Bilowga Mashruuca Hormarinta E-Government Somaliland


Waxa si  wada jir ah saaka xadhiga looga jaray bilowga Mashruuca Hormarinta E-Government Somaliland, kaas oo ay iska kaashanayeen hirgalintiisa Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Teknoolojiyadda JSL, iyo Haayadda Horumarinta Caalmiga ah ee Taiwan ICDF  Mashruucan oo bil ka hor ay heshiish taarikhi ay laba dhinac ku wada saxeexdeen isla markaana lagu goamiyay in Taiwan ay Somaliland ka taageerto:

1. Casriyaynta iyo Isku xidhka Nidaamyadda Dawaladda.
2. Hormarinta Shabokadaha Dawaladda JSL.
3. Hirgalinta Macahadka tabobaradda ICT-da.

Waxaana si rasmi ah mashruuca u wada daahfuray Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyadda JSL, Agaasimaha Guud W.Isgaadhsinta iyo Madaxda Haayada Taiwan ICDF EE Somaliland.

Goor dhaw filo muuqaalo iyo faahfaahino dheeraad  oo hawshan ku saabsan.