Barnaamijka Wacyigalinta Teknoolajiyadda Ee Boorama


Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyaddu waxa ay xalay ku qabatay magaalada Borama dood cilmiyeed ku saabsan Baraha Bulshada (SOCIAL MEDIA) ,doodaasi oo lagu falanqeeyay saamaynta taban iyo togan ee Baraha Bulshadu leeyihiin.
Doodaasi oo ay soo jeediyeen khubaro ku xeel dheer arimaha la xidhiidha baraha bulshada kuwaasi oo ka kala socday Ururada Bulshada ,Haweenka ,Dhalinyarada iyo Jaamacadaha.
Gabogabadii iyo gunanadkii dooda waxay khubaraddu uga jawaabeen su’aalihii ay dadwaynuhu waydiyeen ee la xidhiidhay mawducaasi.