Barnaamijka Amniga iyo Badqabka xogta



Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyaddu waxay ay xalay ku qabatay magaalada Hargaysa dood cilmiyeed lagu falanqeeyay Amminga Internet-ka iyo Bad-qabka Xogta  (CyberSecurity and Data Protection).
Dood cilmiyeedkaasi oo xoogga lagu saaray sidii bulshadu u baran lahayd ugana gaashaman lahayd khataraha ku gadaaman Xogta noocyadeeda kala duwan, iyadoo gabogabadii iyo gunanadkii dooda waxay ay khubaraddu uga  jawaabeen su'aalihii ay dadwaynuhu waydiyeen ee la xidhiidhay mawducaasi.