BARNAAMIJKII 3’AAD EE WACYIGALINTA ADEEGSIGA BARAHA BULSHADA

BARNAAMIJKA WACYIGALINTA ADEEGSIGA BARAHA BULSHADA.
=======================================
Waxa maalintii 3aad Galay Barnaamijka Wacyigalinta ee ku Saabsan Saamaynta Taban ee ay ku Yeeshaan Baraha Bulshadu Koboca Aqoonta Ardayga, saaka waxaa wacyigalinta ka qaybqaatay dugsiga 26 juun.

Waxaa halkaasi wacyi-galint uga jeediyay ardayda dugsiga aqoonyahanno ka socday Wasaaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda oo uga warbixiyey saamaynta taban ee ay Baraha Bulshadu ku leeyihiin ardayda sida caafimaad daro la soo darista ardayga, wakhti lumis,  saamayn dhaqaale oo ay ku yeeshaan ardayga iyo dhibaatooyin kale oo badan oo ay leeyhiin adeegsiga khaldan ee baraha bulshadu.