Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyadda jsl,ayaa si rasmi ah u soo gunaanaday workshop ka Mahruuca (S-road),

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyadda jsl, Mudane: Yuusuf Warsame Xasan ayaa manta oo ay taariikhdu tahay 21kii march si rasmi ah u soo gunaanaday workshop ka Mahruuca (S-road), oo ah system isku xidhaaya nidaamyada dowladda, kaas oo socday muddo 3 cisho ah (19-21 march), laguna qabtay Baraar Hotel.
Waxa jira xogo badan oo ay hayaan wasaarad iyo haayad walbaa, xogtahaas oo muhiimad gaaraa u leh laamaha dawladda ee kale. Hadaba, Mashruucan S-ROAD wuxuu ku dhisanyahy Technoloojiyad casri ah oo laga soo dheegtay Estonia- dalka aduunka ugu horreyaa isticmaalka technologiyadda.
Ujeeddada ugu weyn ee laga lahaa workshopkan aya ahayd inay ka soo baxaan API’s lagu gaadhi karo system-yada kala duwan ee dawladda jsl ay leedahay, iyo in lagu tababaro sida API loo sameeyo injineerada tiknaljoyada ee dowladda.
Dhinca kalana in agaasimayaasha ICT ga dawladu ay ka talo bixiyaan xogaha ay hayaan ee aynu gaadhsiinkarno laamaha kale ee dawlada.
Mashruucan inuu suura galo waxa iska kaashaday Wasaaradda Isgaadhsinta iyo Tiknoolojiyadda iyo Xafiiska Maalgashiga ee ICDF Taiwan.
#WORKSHOP #MICT #somalialnd