Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta ayaa tababar u furey 60 sarkaal oo kamida Ciidan ka booliska Somaliland

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Mudane: Yuusuf Warsame Xasan ayaa tababar u furey 60 sarkaal oo kamida Ciidan ka booliska Somaliland. Tababarkan oo qayb ka ah Barnaamijka Kobcinta Adeegsiga Tiknoolojiyadda oo ay hirgalisay Wasaaraddu kaasi oo u jeedadiisu tahay Sidii korloogu qaadi lahaa adeegsiga iyo ka faaiidaysiga tiknoolojiyadda. Tababarkan ayaa mudo bil ah ka socon doona Xarunta Hal-abuurka ee (Somaliland Innovation Zone). Tababarkan aya noqon doona kii sadexaad ee noocisa ah ee ay wasaaradu u qabato qaybaha ciidanka.