Agaasimaha Guud ee Wasaarada Is Gaadhsiinta Yuusuf Yarsame Oo Tababar Usoo Xidhy Arday Dhamaysatay Tababar Ku Saabasan (Design Thingking)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyadda jsl Mudane: Yuusuf Warsame Xasan ayaa tababar u soo xidhay 32 Arday oo dhamaystay tababar ku saabsan Fikirka Nashqadaynta (Design Thinking), Ardaydan ayaa muddo bil ah ku baranaayey Xarunta Hal-abuurka Tiknoolojiyadda ee Wasaaradda.
Tababarkan oo ka mid ahaa tababaro ka socda xarunta ayaa ujeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa barashadda cilmiga la xidhiidha tiknoolojiyadda si loo helo dhaliinyaro dabooli karta baahiyaha adeegsiga tiknoolojiyadda ee guud ahaan dalka, tobabarkan waxaa iska kaashaday Wasaaradda Isgaadhsinta iyo Tiknoolojiyadda iyo Xafiiska Maalgashiga ee ICDF Taiwan.
Xafiiska warbaahinta W.I.T