
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jsl Dr. AHMED Yousuf Idiris Ayaa Maanta ka Qayb Galay Munaasibadda Daahfurka Shirwaynaha Qaran ee Loo shaqeeyaha Iyo Shaqo Abuurka.
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda JSL Mudane Dr. Ahmed Yousuf Idiris ayaa maanta ka qayb galay Munaasibadda daahfurka Shirwaynaha Qaran ee loo shaqeyaha iyo shaqo abuurka. Shirkaasi oo ay soo qaban-qaabisey Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska - JSL.Wasiirku waxa uu madasha ka jeediyey khudbad dheer oo taabaneysay, doorka Tiknoolajiyadda ee suuqa shaqada.