Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda jsl Dr.Ahmed Yousuf oo Ay Weheliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mudane Liibaan Gaaxnuug iyo Qaar Ka Mid.......

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda JSL Mudane Dr. Ahmed Yousuf Idiris oo ay Wehiliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mudane Liibaan Yuusuf Gaaxnuug iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxaha W.I.T, ayaa kulan la qaatay Madaxda sare ee shirkadda Global Smart Technologies (GST) oo Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda kala shaqayn doonta hir-gelinta Mashaariicda E-Government-ka. 
 
Kulankan oo ku soo dhammaaday si guul ah, waxa ay labada dhinac isla qaateen in ay sii wadaan wada shaqaynta ku aadan hir-gelinta mashaariicda lagu horumarinayo casriyeynta adeegyada dawladda (E-Government).