
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda JSL Mudane Dr. Axmed Yuusuf Idiris oo uu weheliyo Agaasimaha guud Ee Wasaaradda Mudane Yuusuf Warsame Xasan ayaa maanta gudoominayey....
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda JSL Mudane Dr. Axmed Yuusuf Idiris oo uu weheliyo Agaasimaha guud Ee Wasaaradda Mudane Yuusuf Warsame Xasan ayaa maanta gudoominayey shirka maamulka iyo Agaasimayaasha waaxaha.Shirkan oo ah mid todobaadle ah ayaa waxaa ay Madaxda iyo maamulka Wasaaraddu ay ku wadaagaan hawlaha shaqo ee ay wasaaraddu gacanta ku hayso, waxaana wax layska waydiiyaa shaqooyinka qorshaysan, kuwa qabsoomay iyo sidii loo joogtayn lahaa isla markaana loo gaadhi lahaa hiigsiga iyo himilooyinka u dejisan Wasaaradda.
Intii uu kulanku socdayna waxay Agaasimayaasha Waaxuhu ku soo bandhigeen Shaqooyinka qabsoomay, kuwa qorshaysan iyo sidii qorshayaashaas loogu fulin lahaa wakhtigooda
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha & Warbaahinta Ee Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda JSL.