Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolojiyadda Ee Jamhuuriyada Somaliland Ayaa Qayb Ka Ahayd Kulan Lagu Soo Gabagabeeyey Dalka Taiwan Kaasi Oo Ahaa Aqoon Iswaydaarsi Lagu Falanqaynaayey .......

Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolojiyadda Ee Jamhuuriyada Somaliland Ayaa Qayb Ka Ahayd Kulan Lagu Soo Gabagabeeyey Dalka Taiwan Kaasi Oo Ahaa Aqoon Iswaydaarsi Lagu Falanqaynaayey Sidii Loo Horumarin Lahaa Kaabayaasha Isbadalka Tiknoolojiyadda Ee Ganacsiyada Yaryar Iyo Kuwa Dhexe, Iyo Sidii Looga Faa’iidaysan Lahaa Tiknoolojiyadda Casriga Ah Gaar Ahaan Ai-ga (Garaadka Macmalkan Ah) Kaasi Oo Si Wayn Uga Qaybqaata Koboca Dhaqaalaha Wadan Kasta.
 
 Kulankan Oo Ay Qayb Ka Ahaayeen Wadamada Malaysia, India, Thailand, South Africa, Bosnia, Philippine, Argentina, Slovakia Iyo Wadamo Kale Ayaa Waxaa Martigalisay Isla markaana Soo Qabanqaabisayna Sanduuqa Horumarinta Caalamiga Ah Ee Taiwan_icdf.
 
Kulankan Ayaa Waxaa Qayb Ka Ahaa Socdaal Aqoon Korodhsi Oo Lagu Maraayey Warshadaha Iyo Shirkadaha Ugu Waawayn Dalka Taiwan Ee Iyagu Sida Wayn Uga Faa’iidaystay Adeegsiga Tiknoolojiyadda.
 
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha & Warbaahinta Ee Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda JSL