Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Mudane Yuusuf Warsame Xasan Ayaa Daah Furay Tababar Ka Qabsoomay Maanta Xarunta Somaliland Innovation Zone.
Tababarkan Oo Ku Saabsan Nidaam Dhalinyaradu Ku So Gudbin Karaan Qorshayaashooda Ganacsi (Mobel Application System) .
Kaasi Oo Ay Hirgaliyeen Masuuliyiinta Horumarinta Sanduuqa Dhalinyarada Somaliland.
Tababarka Ayay U Jeedediisu Ahayd In Dhalinyaradda Lagu Tababaro Adeegsiga Nidaamkan Ay Dhalinyarada Reer Somaliland Ku Soo Codsanayaan Qorshayaasha Ganacsi (Business Planning).
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha & Warbaahinta Ee Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda JSL.